Dib-u-heshiisiinta Bulshada
- Dhisidda iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah
- Hirgelinta nidaam isla xisaabtan iyo hufnaan
- Kor u qaadidda adeeg bixinta dowladda
Ku soo dhawoow bogga rasmiga ah ee ololaha musharraxa madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle mudane xildhibaal A.Malik Abdalla .
Maamul albaabo furan, oo lala xisaabtami karo.
Kaabayaal, adeegyo, iyo fursado shaqo.
Hoggaan isu keena bulshada Hirshabeelle iyo guud ahaan dalka.
Mudane A.Malik Abdalla waa aqoonyahan, waayo-arag iyo siyaasi caan ka ah bulshada Soomaaliyeed. Muddo ku dhow labaatan sano, wuxuu door muuqda ka qaatay geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan mideynta bulshada, horumarinta dowladnimada, iyo hirgelinta isla xisaabtan dhab ah. Tan iyo Abriil 2022, wuxuu xubin ka yahay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dhanka waxbarashada, Mudane A.Malik wuxuu wax ku soo bartay dalka Mareykanka, gaar ahaan Jaamacadda The Ohio State University (OSU) ee Gobolka Ohio, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee Xiriirka Caalamiga ah iyo Diblomaasiyadda, iyo shahaadada labaad ee Siyaasadda Guud iyo Maareynta. Musharraxu wuxuu leeyahay khibrad dheer oo ku saabsan dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo la shaqeynta hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu ka soo shaqeeyay Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga. Sidoo kale, wuxuu leeyahay waayo-aragnimo ballaaran oo ku saabsan amniga iyo la dagaallanka argagixisada. Afartii sano ee ugu dambeysay, wuxuu ahaa xildhibaan matala bulshada reer Hirshabeelle ee Golaha Shacabka.
Aniga oo ah Mudane A.Malik Abdalla, waxaan u taaganahay doorashada Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Hirshabeelle ee la qorsheynayo in la qabto sannadka 2026. Waxaan aaminsanahay in Hirshabeelle ay u baahan tahay hoggaan cusub oo wax ka qabta caqabadaha jira, isla markaana horseeda horumar dhab ah. Tan iyo markii la aasaasay 2016, ma jiraan wax horumarka ah ee la taaban karo oo laga qabtay Hirshabeelle. Sidaa darteed, yoolkayga ugu weyn waa in Hirshabeelle gaarto horumar dhinaca dhab u heshiin, amniga, dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada, si ay ula jaanqaado maamul-goboleedyada kale ee dalka. Anigoo afartii sano ee la soo dhaafay ahaa xildhibaan matalaya bulshada reer Hirshabeelle, waxaan si dhow u fahamsanahay baahiyaha iyo caqabadaha jira. Sidaa darteed, waxaa go’an sadey inaan xal waara u helo arrimahaas, anigoo Alle SWT kaashanaya, isla markaana la shaqeynaya bulshada, waxgaradka, iyo dhammaan daneeyayaasha.
Sawiro iyo muuqaallo -- goordhow fillo.
Hirshabeelle Horumar & Hufnaan 2026
Howlaha ugu horreeya ee maamulkeygu qaban doono maalinta uu xilka la wareego waxaa ka mid ah:
Golahan hoos ku xusan kala soco wixii war iyo wacaal ah, oo ku saabsan ololaha doorashada madaxweynaha HS 2026 musharrax mudane A.Malik.
#malik4hs2026
#hs4malik2026
Iiinsha Allah, ololahan waxaan ilaah ka baryeynaa in uu ka dhigo, kii deegaanadda iyo dadweynaha reer Hirshabeelle ku dareemi lahaayeen is badal tayo leh, iyo hogaankii eey bulshadu ku bulaali leheyd Iinsha Allah.